Turkiga oo shaqada ka eryey dad u shaqeeya Maxkamadaha

Image

543 garyaqaan iyo dacwo oogayaal kale ayaa laga cayriyay shaqadooda dalka Turkiga, iyadoo looga shakisan yahay inay xiriir la lahaayeen inqilaab la isku dayay bishii July. Tirada la cayriyay ilaa hadda ayaa dhan 3,288.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku adkaystay shaqo ka cayrinta inaysan wax u dhimayn cadaalada, laakiin ay horseedi doonto cadaalad dhab ah. Dowlada Turkiga ayaa xirtay tobanaan kun oo qof oo ay ku jiraan boliis, ciidan, garyaqaano iyo shaqaale dowlad tan iyo shan iyo tobankii July. 

Mr Erdogan ayaa ku eedeeyay Fetuhullah Gulen inuu ka danbeeyay kacdoonka.

BBC

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM