Turkiga oo soo badbaadiyey tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan

Image

ANKARA, Turkey – Ciidamadda ilaaladda xeebaha Turkiga ayaa Sabtida maanta ah soo badbaadiyey 26 soo-galooti ah kuwaas oo doonayay in ay dhanka badda ka galaan qaaradda Yurub, sidda ay qortay warbaahinta gudaha.

Saxaafadda maxaliga ah ee waddanka Turkiga ayaa waxay warisay dowladda Greek ay muhaajiriintaas dib u soo celisay badda.

Magan-galyadoonayaasha oo ka baxay xeebta Turkiga ee Aegean ayaa damacsanaa in ay gaaraan Jaziiradda Lesbos ee dalka Gariiga.

Kooxdan lasoo badbaadiyey oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Afghanistan iyo Bartamaha Afrika, sidda ku xusan warbixinta, waxaa qabtay ciidamadda ilaalada xeebaha Gariiga oo dib ugu soo celiyey biyaha Turkiga.

"Kadib markii ay soo badbaadiyeen, mas'uuliyiinta Turkiga ayaa siiyey cunto iyo dhar," ayay wakaaladda wararka Anadolu ku warantay. Laba caruur ah iyo shan dumar ah ayaa kamid ah dadkaan lasoo badbaadiyey.

Anadolu ayaa intaas ku dartay in xaalada caafimaad ee dadkaan ay tahay mid wanaagsan, balse ma shaacin talaabada xigta ee laga qaadayo.

Turkiga waa mid kamid ah marinada ugu badan oo ay adeegsadaan tahriibayaasha doonaya in ay gaaraan Yurub tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Suuriya. Hadda wuxuu qaabilay ku dhowaad 4 milyan oo qaxooti ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM