Turkiga oo su'aallo waydiiyey safiirka Mareykanka

Image

ANKARA, Turkey - Turkiga ayaa Isniinta maanta ah wuxuu su'aallo waydiiyey danjiraha Mareykanka u fadhiya Ankara, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah oo intaas ku dartey safiirka Washington "lagu wargeliyey" mowqifka adag ee Turkidu ka taagan yihiin afduubka Kurdiyiinta Ciraaq kula kaceen muwaadiniinta Turkida ah ee 13-ka ahaa.

Madaxwayne Tayyip Erdogan ayaa falkaas wuxuu "mid fool xun". Ankara waxay sheegtay in maleyshiyadda Kurdiyiinta ay toogteen lahaysteyaasha oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan milatariga iyo booliska Turkiga "xilli uu socday howlgal la doonayey in lagu soo badbaadiyo".

Inkasta oo Washington ay shaacisay in ay garab-taagan tahay Turkiga oo ay isku xulafo yihiin, Turkiga wuxuu ka careysan yahay in Mareykanka uu taageero Kurdiyiinta Ciraaq oo Erdogan uu ku sifeeyay "in ay yihiin argagixiso".

“Hadalka ka soo yeeray Mareykanka waa been abuur,” ayuu yiri Erdogan. "Waxaad sheegteen in aadan taageerin argagixisada, marka ay runta timaado dhankooda ayaad jirtaan".

Erdogan ayaa hadaladaas ka sheegay telefishanka ku hadla afka dowladda kaasoo si joogta ah looga baahiyo wararka liddiga ku ah reer Galbeedka.

Turkiga ayaa bishaan bilaabay hawlgal militari oo ka dhan ah saldhigyada PKK ee waqooyiga Ciraaq oo Erdogan uu sheegay Isniintii in loogu talagalay qayb ka mid ah sii deynta 13 qof ee la qafaashay.

Ugu yaraan 48 xubnood oo ka tirsan kooxda hubeysan ee Kurdiyiinta ayaa sidoo kale lagu dilay howlgalka, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee Turkiga.

PKK, oo ay ku tilmaameen koox "argagixiso" Mareykanka iyo xulafada kale ee reer galbeedka ee Turkiga, ayaa wadda kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dowladda Turkiga tan iyo 1984 waxaana la rumeysan yahay inay ku dhinteen tobanaan kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM