Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Image

Islamabad / Ankara — Dalalka Turkiga, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ayaa diyaariyey qabyo-qoraal heshiis difaac oo saddex geesood ah, kaddib wada-hadallo socday ku dhowaad hal sano, sida uu sheegay Wasiirka Pakistan ee Wax-soo-saarka Difaaca, Raza Hayat Harraj.

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-geesoodka ah uusan la xiriirin heshiiskii laba-geesoodka ahaa ee difaaca ee Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ay saxiixeen sannadkii hore. Waxa uu xusay in heshiiska cusub uu u baahan yahay is-afgarad buuxa oo ay gaaraan dhammaan saddexda dal ka hor inta aan si rasmi ah loo dhameystirin.

“Heshiiska saddex-geesoodka ah ee Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga horey ayuu u socdaa. Qabyo-qoraalka heshiiska wuu yaallaa, mid walbana wuu hayaa, saddexda dalna way ka wada tashanayaan, waxaana arrintan la waday ku dhowaad 10 bilood,” ayuu yiri Harraj.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa xaqiijiyay in wada-hadallo ay jiraan, balse uu carrabka ku adkeeyay in ilaa hadda aysan jirin heshiis rasmi ah oo la saxiixay.

Fidan oo khudbad ka jeediyay magaalada Istanbul ayaa sheegay in wada-hadalladan loo arko kuwo ku jira macnaha ballaaran ee iskaashi amni oo heer gobol ah, halkii laga abuuri lahaa isbaheysi xaddidan. Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay kalsoonida dalalka gobolka si loo yareeyo khilaafaadka, argagixisada iyo faragelinta dibadda.

“Aragtida Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waa in la abuuro madal loo dhan yahay oo keenta iskaashi ballaaran, xasillooni iyo amni waara,” ayuu yiri Fidan.

Wararka ka imanaya Islamabad iyo Ankara ayaa muujinaya in wada-xaajoodyadu weli socdaan, inkasta oo mas’uuliyiintu ay caddeeyeen in arrintu weli ku jirto heer la-tashi iyo wadahadal, isla markaana aan weli la gaarin heshiis kama dambeys ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM