Canug dhalnaa laba bilood oo ku dhex-geeriyooday diyaarad

Image

PERTH, Austria – Gabar dhalan laba bilood taasi oo uu magaceedu yahay Farax ayaa waxay ku dhex-dhimatay diyaarad kasoo duushay Malaysia kuna sii jeeday magaaladda Perth ee Austria.

Si dhab ah looma ogga waxay keenay geerida. Si lamid ah, lama xaqiijin karo hadii uu jiray xanuun horey u hayey.

Balse waalidkeeda ayaa shaaciyay in Inanta ay si aan kala joogsi lahayn u oyneysay kahor inta aysan nafta ka bixin.

Qoyska ayaa qiray caawimaaddii ay waydiisteen shaqaalaha diyaarada ay socdeen oo ahayd AirAsia ay u helayn sida ugu haboon.

Reerka oo kasoo jeeda Sacuudiga ayaa ka koobnaa Hooyo iyo Seygeeda ayaa u socday in ay nolol cusub ka bilowdaan Austria.

"Markii gabdhu bilowday in ay ruux baxdo … waalidiinta waxay bilaabeen in ay Qur'aan ku akhriyaan," ayuu yiri qof Rakaabka kamida.

Maamulka shirkada diyaaradda ayaa tacsi u diray ehelka ay ka dhimatay marxuumada, sida laga soo xigtay Australian Associated Press.

Booliska oo markii ay diyaarada soo cagadhigatay garoonka lagu war-geliyay kiiskaan ayaa la cararay xarumaha caafimaadka. Hasayeeshee, geerida ayay sii xaqiijiyeen.

Dhacdadaan oo ah mid naadir ah ayaa waxay noqotay tan loogu hadalhaynta badan yahay gudaha wadankaasi Austria iyo dunida inteeda kale, iyada oo ay wax ka qorayaan qaar kamida wargeysyada dunida ugu caansan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM