​Uganda oo ciidamo cusub usoo dirtay Somalia [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Uganda ayaa dalka Somalia usoo dirtay ciidamo cusub oo qayb ka noqon doono howlgalka AMISOM, waxayna guutada la keenay badali doontaa kuwo kale oo lal sheegay inay guteen waajibaadkii saarnaa.

War kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadan ka howgali doonaan gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo ay sugi doonaan amniga islamarkaana ka saari doonaan kooxda Al Shabaab.

Ciidamadan ayaa la xusay inay aad uga diyaarsanyihiin kuwii hore islamarkaana lasoo siiyay tababar sare, waxayna ka midyihiin ciidamada dalkaasi ee UPDF.

Taliyaha ciidamada Uganda Brig. Sam Okiding, ayaa xusay inay ku rajo weynyihiin sidii howgalkoodu u noqon lahaa mid guulaysta inkastoo uu sheegay inay ogyihiin khataraha kaga imaan kara dhinaca kooxda Al Shabaab, isagoo tilmaamay inay aad u diyaarsanyihiin islamarkaana isaga filanyihiin dhib kasta oo soo foodsaara.

Dalka Uganda ayaa ah waddanka ugu badan ee ciidamadiisu joogaan Somalia, waxaana ku sugan ku dhawaad 7 Kun oo askari.

Bishii September ee sannadkii hore ayaa weerar kooxda Shabaab soo qaaday waxay ku beegsadeen saldhig ciidamada Uganda ku lahaayeen deegaanka Jannaale halkaasoo ay ku dileen ciidamo badan xeradiina la wareegeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM