Uganda oo sii daysay hogaamiyayaasha mucaaradka

Image

Maamulaasha Uganda ayaa sii daayey laba hogaamiye oo ka tirsan mucaaradka oo doonaya inay u tartamaan madaxweynenimada.

Ra'iisul wasaarihii hore Amama Mbabazi iyo Kizza Besigye ayaa siyaabo gooni gooni ah loogu xira shalay magaalada Kampala, ayadoo lagu eedeeyey inay kulammo abaaulayeen, ayagoo aan ruqsad ka hayn booliska.

Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni ayaa muddo 30 sana ku dhaw hayo xilka madaxtinimo, laakiin Mr Mbabazi ayaa tilmaamay inuu doonaayo inuu Musaveni bedelo.

Mbabazi waxaa laga eryay dawladda sanadkii la soo dhaafay taasoo soo afjartay xariirkii uu mudda 20 sano la lahaa Musaveni.

Xigasho:BBC

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM