UK oo dhalashada kala laabatay haween horleh oo ku biiray ISIL

Image

LONDON, UK - Sheekada Shamima Begum, haweenay lagala laabtay dhalashada Ingiriiska markii 2015-kii ay u aaday Suuriya si ay ugu biirto Daacish, ayay aad u hadal haysaa warbaahinta reer Galbeed.

Begum ayaa haatan ku nool xero barakac ku taalla dalka ay colaadu la dageen, halkaasoo ay ku booqdeen wariyaal reer Galbeed ah iyo masuuliyiin.

Suxufiyiinta ayaa la yeeshay Begum wareysi ay si cad ugu sheegtay in ay diyaar u tahay in dib ugu laabato Ingiriiska, wallow lagala noqdo aqoonsiga muwaadinimo.

Haweenaydaan oo haysatay cunug yar, kaasi oo la sheegay in uu geeriyooday ayaa la isku dayey in laga soo badbaadiyo ubadkaasi.

Hasayeeshee, dadaalo ay xukuumada London sameysay ayaa kusoo idlaaday fashil, iyada sababta uu ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda.

Jeremy Hunt ayaa shaaciyay in Begum ku nooshay xero barakac oo aad halis u ah owgeed ay ugu diri waayeen kooxaha badbaada.

"Wiilka wuxuu ahaa muwaadin Ingiriis ah," ayuu Mr Hunt u sheegay BBC-da, balse wuxuu raaciyay "Badbaadiyaasha ayaa nolashooda halis geli lahayd.

Cunuga yar oo lagu magacaabayey Jarrah ayaa kaliya jiray saddex todobaad, inkasta oo aan la ogayn waxa dhaliyay geeridiisa.

"Hooyada iyada ayaa dooratay in ay dalka ka baxdo si ay ugu biirto urur argagaxiso ah," ayuu wasiirku hadalkiisu ku daray.

Wasiirka ayaa difaacay go’aanka ku gaareen inaanu badbaadiyaal u dirin xerada si uga shaqeeyaan badqabka cunuga.

"Waa in aanu ka fekernaa badqabka masuuliyiinta British-ka ah ee aanu u direyno goobaha colaadda," ayuu ku adkeystay.

Ugu dambeyntii, Jeremy Hunt ayaa cod dheer ku qeexay in ay ka go’an tahay in caruurta u dhalatay Ingiriiska ay soo badbaadiyaan meel kasta oo ay joogaan.

"Walaaca iyadaa abuurtay, maxaa yeelay way go’eed markii ay baxaysay in ay u socoto dal aanu ku lahayn safaraad," ayuu ku dooday.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay jiraan haween British ah oo horleh kuwaasoo ku jira xeryaha barakacyaasha ee Suuriya lagana kala laabtay dhalashada.

Jaraa’idka Sunday Times ayaa magacyada dumarkaasi oo xeryaha ku haysta caruurtooda ku kala sheegay; Reema Iqbal iyo walaasheed Zara.

Walaahanaan oo ka soo jeeda bariga London ayaa ku kala nool xerooyin bakarac oo kala duwan markii ay kasoo carareen goobaha laga saarey Daacish.

Reema, oo 30-sano jir ah, iyo Zara, 28-sano jir ah, ayaa haysta shan caruur, kuwaasi oo da’doodu ka hooseyso 8-sano jir.

Waalidiinta labadaan haween ayaa asal ahaan kasoo jeeda wadanka Pakistan balse lama ogga hadii ay jinsiyad kale haystaan.

Sidda laga soo xigtay warbixinta wargeyska, walaahaan ayaa aaday Suuriya 2013-kii, markaasoo ay guursadeen dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Zara ayaa markii ay u safreysay Suuriya waxay lahayd Uur cunugeeda labaad, iyada oo Ubadka saddexaad ku dhashay Suuriya. Reema ayaa hal wiil ku dhashay UK, halka mid kale ay ku dhashay Suuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM