Ukraine oo sheegtay in ay riday buufin "sahan" Ruushka lahaa

Image
Ruushka ayaan wali si degdeg ah uga hadlin wararka ku saabsan buufinnada hawada sare ee Kyiv.

KYIV, Ukraine - Lix biibiile oo Ruushku leeyahay oo lagu arkay magaalada Kyiv ayaa intooda badan la toogtay ka dib markii ay duqeeyeen ciidanka difaaca hawada, sidda uu sheegay maamulka millatariga ee magaala madaxda.

Buufinadda ayaa laga yaabaa in ay sideen qalabka sahanka, hase ahaatee, saraakiishu ma aysan caddeyn goorta ay soo galeen hawada caasimadda, inkastoo digniino kasoo saarey Arbacadii.

Afhayeenka ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in Ruushka, oo ku soo duulay Ukraine bishii Febraayo ee sannadkii hore, laga yaabo in uu U isticmaalo buufinnada olole cusub si uu u ilaaliyo kaydkiisa diyaaradaha wax basaasa.

Yuriy Ihnat ayaa waxa uu xaqiijiyay in seeriga duullaanka cirka uu ka dhacay caasimadda Arbacadii sababo ku aadan buufinnada lagu arkay hawada sare ee magaaladda caasimadda ah.

Ruushka ayaan wali si degdeg ah uga hadlin wararka ku saabsan buufinnada hawada sare ee Kyiv. Isku-dayo xiriir oo warbaahinta la sameysay Aqalka looga taliyo Moscow ayaan guuleysan.

Moscow ayaa lumisay ku dhawaad ​​kala bar taangiyada dagaalka tan iyo duulaankii Ukraine sanad ka hor, sidda lagu sheegay warbixin uu soo saaray machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatiijiga ah (IISS).

Ukraine ayaa dhankeeda heshay ilaa 100 taangi oo casri ah oo reer galbeed ah, oo ay ku jiraan US Abrams, German Leopard, iyo Challenger British, kuwaas oo awoodoodu aad uga badan tahay kuwii hore ee Ruushka uu haystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM