​UN-ka oo baaraya xad-gudubyo ka dhacay Suuriya

Image

Guddiga guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay baarayaan kiisas aan caadi ahayn oo ka dhacay dalka Suuriya mudadii ay ku dagaallamayeen kooxaha mucaaradka iyo dowladda Suuriya oo weheliyaan xulafadooda.

Xubnaha sare ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxaya si gaar ah u farmuuqeen inay baari doonaan kiis ku aadan koox katirsan UN-ka oo la duqeeyay iyagoo gar-gaar u wada magaalada Xalab.

Waxay sheegeen inaysan xaqiijin karin cidda bartilmaameedsatay kooxdaas oo tiro ahaan gaaraysay 10 qof, iyagoo sidoo kale xusay inaysan ogaan karin weerarkaas inuu ahaa mid ula kac ah.

Guddigan, masoo hadal qaadin xasuuqa ba'an ee loo gaystay shacabka reer Suuriya inkastoo ay xuseen inay baari doonaan xad-gudubyada dhammaantood gaar ahaan kuwii ugu darnaa.

Qorshahan, waxaa la sheegay inay kasoo horjeesan doonto xukuumadda Suuriya iyo dowladda Ruushka oo iminka gacan siisa.

Lama oga sida loo  wajihi doon waxyaabaha kasoo baxa baaritaankaas.

Muddo dheer oo duqayn ku socotay magaalada Xalab, waxaa lagu laayay dad badan oo ay ku jiraan carruur iyo haween iyadoo sidoo kale dhulka la dhigay dhammaan dhismayaashii waaweynaa ee ka dhisnaa magaaladii Ganacsiga iyo Warshadaha Suuriya, balse hadda hoy u noqotay colaado.

Dhibka ugu badan ayaa ka dhacay, bariga magaalada Xalab oo ay ku sugnaayeen kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeed dowladda Bashaar Al-Asad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM