​UN-ka oo ka walaacsan xiriirka IS iyo Boko Xaraam

Image

Banaan kasoo baxay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya kooxaha xagjiriinta ah ee IS iyo Boko Xaraam-ta Nigeria.

Qaramada Midoobay, waxay sheegtay inay ka walaacsantahay wadashaqaynta labada kooxood, waxyan xuseen in Boko ay sii waddo waxyeellaynta shacabka iyo dhibaatada ay ku hayso Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.

Waxay intaasi raaciyeen in kooxda ka dagaallanta dalka Nigeria dagaalyanno u dirtay Liibiya si ay ugu biiraan kooxda isugu yeertay khilaafada dowladda islaamiga ah.

UN-ku ma sheegin halka uu gaarsiisanyahay xiriirka labada urur, balse kooxda hubaysan ee Afrika ka aas-aasan ayaa tilmaamtay inay daacad u tahay Daacish.

Arrintan ayaa lagu soo beegay xilli Nigeria ay marti galinayso shir looga arrinsanayo falalka argagixisada.

Waxaa kulankaasi waxaa ka qayb galin doona, hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika iyo sidoo kale Madaxweynaha Faransiiska Hollande.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Philip Hammond, ayaa isna ka mid ah madaxda shirka ka qeybgalaysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Australia oo markii ugu horreysay haweeney u magacowday hoggaanka ciidanka

Susan Coyle oo 55 jir ah, ayaa milatariga ku biirtay sannadkii 1987-kii, waxayna soo qabatay xilal kala duwan oo hoggaamineed.

  • Caalamka

    13-04-2026

  • 08:13AM

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM