​UN oo cambaareysay hadallada Donald Trump

Image

Madaxa arrimaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobeey ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday musharraxa ugu cadcad xisbigaJamhuuriga ee Donald Trump.

Waxa uu sheegay in mushraxan doonaya inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka uu gaysanayo xadgudub.

Asigoo aanan magacaabin ninkan taajirka ah, Seyd Racad Al Xuseyn waxa uu Trump ku eedeeyay sida uu u taageersan yahay jirdilka.

Waxa uu sidoo kale ku dhaliilay sida uu u taageersan yahay in Muslimiinta si gaar ah loo dabagalo.

Hadal uu ka jeediyay magaalada Cleveland, halkaas oo dadka ku nool ay bisha Juley dooran doonaan Musharroxooda, Amiir Zeyd waxa uu tilmaamay in eexda iyo munaafaqnimada aysan cadeyn u ahayn hogaan wanaagsan.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in hadallada naceybka aysan ahayd wax lagu majaajileysto ama madadaalo ah.

Waa qofkii ugu dambeeyay oo xil caalami ah haya ee cambaareeya loolanka xisbiga Jamhuuriga.

BBC

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM