US iyo xulafadeeda oo duqeeyey ceelal shidaal

Image

Sept 25, 2014 (GO)- Isbahaysiga ka dhanka ah kooxda IS ee Maraykanku hormuudka ka yahay oo maalintii saddexaad duqeymo ka wada dalka Suuriya ayaa xalay weeraray wershedo shidaalka lagu sifeeyo oo kooxdaasi ay maamusho.

Duqeynta ayaa sida wararka lagu helayo waxaa lagu diley ku dhowaad labaatan kamid ahaa dagaalyahanada IS, waxaa sidoo kale ku geeriyooday shan qof oo kale oo rayid ah.

Maraykanka ayaa shaaciyey in wershadaha shidaalka ee la duqeeyey uu kooxdaas kasoo geli jirey maalin kasta adduun lacageed oo gaaraya labo milyan oo doolar.

Laga soo bilaabo bishii August ee lasoo dhaafay, militeriga Maraykanku waxay dalka Ciraaq ka fuliyeen 190 weerar oo dhanka cirka ah, duqeymahaas oo badankooda ay diyaardaha bilaa duuliyaha ahi fuliyeen, waxaa lala bartilmaameedsaday fariisimo ciidan iyo gaadiid dagaal oo kooxda Daacish leedahay. 

Maraykanka oo dadaal dheer u galay sidii uu taageero ku aadan la dagaalanka kooxda IS uga heli lahaa dalalka ku yaalla gobolka Bariga Dhexe gaar ahaan Carabta, wuxuu ku guuleystey inuu samaysto xulafo ballaaraan oo Sucuudiga iyo Imaaraadku ay ku jiraan.

Isniintii lasoo dhaafay ayey ahayd markii ugu horreysey ee Maraykanka iyo xulafadiisu ay duqeymo ka geystaan gudaha dalka Suuriya, waxayna arrintaasi kusoo aadeysaa todobaadyo kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu shaaciyey in la ballaarin doono dagaalka ka dhanka ah IS oo sida uu tilmaamay khatar ku ah gobolka iyo caalamka oo dhan.

IS oo sidoo kale loo yaqaan magaca Daacish, waa koox xagjir ah oo ka arimisa qaybo badan oo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxayna dhaqaalaha ugu badan ka heshaa shidaalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM