USA: Boolis lagu laayay magaalada Dallas

Image

Warbaahinta Mareykanka ayaa waxa ay ku warramaysaa in ugu yaraan 4 askari oo boolis ah lagu toogtay dibadbax loogaga soo horjeedo dhibaatada booliska oo ka dhacay magaalada Dallas, ee gobolka Texas ee waddanka Mareykanka.

Tobanaan rasaas ah ayaa la maqlayay, halka boolisku ay ku daba jiraan dad laga shakisan yahay. Dibadbaxyo looga soo horjeedo dilalka toogashada ah ee maalmihii la soo dhaafay ay magaalooyinka Minnesota iyo Louisiana ay boolisku ku dileen laba nin oo madow ah ayaa waxaa lagu qabtay dhowr magaalo oo Mareykanka ku yaal.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in toogasho aan loo meeldayin ay walwal ku keeni karto dhammaan dadka Mareykanka.
Waxa uu sheegay in uu eex ka jiro hannaanka garsoorka ciqaabta taasi oo ay tahay buu yiri in xididada loo siibaa.

BBC 

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM