USA: Haweenaydii ugu horeysay oo dil toogasho lagu fuliyey

Image

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa Talaadada maanta ah waxay dil toogasho ku fulisay haweenaydii ugu horeysay muddo 67 sano kadib. Lisa Montgomery waxaa lagu waramay in la duray cirbadda dhimashadda.

Montgomery ayaa loo haystay dilka haweenay hooyo xaamilo ahayd, Bobbie Jo Stinnett oo ay ceeji ku khaarijisay, iyo cunugeeda oo ay afduubatay.

Kiiska 52-sano jirtan ayaa soo jiitay dareenka dad badan ka gedaal markii ay qareenadeeda ay sheegeen in ay qabtey dhibaato maskaxda ah ayna caruurnimadeeda la kulantey xadgudub jinsiyadeed.

Xukunka dilka toogashadda ah ayaa lagula fuliyey xabsi ku yaala magaaladda Terre Haute ee ka tirsan gobolka Indiana. Fulinta waxay ka dambeysay markii Maxkamadda Sare ay laashay codsi dib-u-dhig ah.

Laba jeer ayaa horey dib loogu dhigay fulinta dilka toogashadda sababo la xiriira qareenadeeda oo doodo kala duwan miiska soo saarey.

Fal-dambiyeedka la sheegay in lagu helay Montgomery ayaa 2004-tii wuxuu ka dhacay ismaamul Galbeedka Mareykanka ku yaala ee Missouri.

Haweenaydii ugu horeysay ee ay toogatay dowladda Mareykanka ayaa ahayd Bonnie Heady taasoo sanadkii 1953 lagu dilay qolka gaaska ismaamulka Missouri, sidda laga soo xigtay Xarunta Macluumaaska Xukunada Dilka Toogashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM