​USA: Trump oo lala cararay, doorashada oo labo bari ka hartay

Image
Image

WASHINTONG, USA- Labo maalin oo qura ayaa ka hartay doorashada Madaxtinimada waddanka Maraykanka, taasoo la qorshaynayo in dadweynuhu goobaha codbixinta u dareeraan maalinta Salaasada ee fooda nagusoo haysa.

Murashaxiinta kala matalaysa labada xisbi ee dalkaas Donald Trump iyo Hinlry Clinton, ayaa dadaal ugu jira sidii ay ugu soo bixi lahaayeen hogaanka dalkaas.

Waxaa maalintii Sabtida ee aan soo dhaafnay loollan xoog leh ka sameeyeen qaar kamid ah gobollada dalkaas.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa taageerayaashiisa kula hadlay gobollada North Carolina, Florida, Colorado, iyo Nevada, halka sidoo kalana la filayo in Ololihiisa Sabtiga kusoo xiro gobolka Minnesota oo taariikhiyan ay mar walba ku guuleystaan Dimoqraadiga.

Musharaxa kale, Hillary Clinton oo u tartameysa xisbiga Dimoqraadiga ayaa waqtigeedii ugu badnaa Sabtida gelisay gobolka Florida, oo ah gobol dhaqan ahaan go,aan ka gaara doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka.

Marwo Clinton waxay kaloo ka ololeeysay magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania.

Dhanka, kale Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa lala cararay isagoo ku sugan gobolka Nevada, halkaas oo ka jeedinayay khudbad la xiriirta arrimihiisa doorashada.

Kooxdiisa qaabilsan dhinaca ammaanka, ayaa mar qura garba-duub uga saaray goob uu hadal ka jeedinayay, kadib markii ay ka shakiyeen ruux ku hubaysnaa Qori.

Ma jirto cid faah faahin ka bixisay dhacdadaas, waxaase dadweynihii isu soo baxay lagu wargaliyay inay rabshad yar jirto.

Murashaxan oo inta badan lagu bartay aflagaadayn, ayaa hadda ka hor 21.06.2016, waxaa booliisku gacanta ku dhigeen ruux doonayay inuu khaarajiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM