USA: weerar lala beegsaday kaniisad, sagaal qof oo dhimatay

Image
Image

June 18, 2015 (GO)- Sagaal qof ayaa ku geeriyoodey weerar lala beegsaday kaniisad qadiim ah oo dadka madowga ahi leeyihiin kuna taalla magaalada Charleston ee gobolka Koonfurta Karolina ee dalka Maraykanka.

Madaxa Booliska Charleston, Gregory Mullen ayaa sheegay in siddeed kamid ah dadkaas lagu diley gudaha kaniisadda, halka midka sagaalaad uu geeriyoodey intii isbitaalka loo sii wadey.

Booliska ayaa raadinaya haweeney caddaan ah oo ku jirta da'da labaatameeyada, tasoo lagu tuhunsan yahay inay fulisey weerarka oo loo adeegsaday qori nooca daran doorriga u dhaca ah.

" waxan rumeysanahay in fal-dambiyeedkaasi ahaa mid ku saleysan nacayb" Mullen ayaa sidaas yiri.

Clementa Pinckney oo ahaa senator laga soo doortey gobolka Koonfurta Karolina islamarkaana isgu maalgelin jirey kaniisadda la wareeraray ayaa kamid ah dadka geeriyoodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM