Vienna: barnaamijka Nuclear-ka Iran oo heshiis laga gaarey

Image

Kaddib bilo wadahadalo ah, waxaa laga gaaray heshiis taarikhi ah barmaanijka Nukleerka Iran.

Bilowgii kulankii ugu dambeeyay ee wasiirada arrimaha dibadda Iran iyo 6-da dal ee quwadaha adduunka ee Vienna, ayey madaxa siyaasadda Midowga Yurub, Federica Mogherini, sheegtay in heshiiska lagu arkay in diblomaasiyadda ay wax ka qaban karto xiisado tobanaan sano taagnaa.

Faahfaahinta qodobada lagu heshiiyay ayaa shir jara'id looga dhawaaqi doonaa kulanka kaddib.

Wariyaha diblomaasiyada BBC-da ayaa sheegaya, inay u muuqato in Iran ay ogolaatay in baarayaasha Qaramada Midoobay ay xaqiijiyaan, meelmarinta hakinta howlaha Nukleerka Iran.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu dajiyo jadwal cunoqabateynta caalamiga looga qaadayo Iran.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM