Vienna: wada-xaajoodkii Nuclearka oon heshiis laga gaarin

Image

Wadaxaajoodka ku aaddan barnaamijka nukliyeerka Iran, ayaa dhaafay xilligii loo qabtay in heshiis looga gaaro.

Wefdiga Mareykanka uga qeybgalaya wadaxaajoodka ayaa sheegay in dhawaan la ay kala cadaan doonto in heshiis la gaari karo iyo in kale.

Dhinacyada ayaa isla gartay in wadaxaajoodka ka socda magaalada Vienna, la sii wado ilaa maalinta Jimcaha ah.

Lixda dal ee dunida ugu tagta roon ayaa doonaya in heshiiska lagu qoro luuqad la isla fahmi karo, taasoo cadeyneysa in Iran aysan sameysan karin hubka nukliyeerka.

Iran ayaa ku doodeysa in aanay ku talla jirin sameysashada hubkaasi wax gumaada.

Mareykanka ayaa doonaya in sida ugu dhaqsaha badan heshiis u cuntama laga gaaro nukliyeerka Iran.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM