Waa kuma Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Australia?

Image

Xisbiga talada haya ee Liberal Party ee Australia ayaa Wasiirkii maaliyadda Scott Morrison u doortay inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaasi maanta oo Jimciha ah.

Morison ayaa kaga adkaaday jagadaasi wasiirkii hore ee arrrimaha gudaha Peter Dutton iyo wasiirka arrimaha dibadda Julie Bishop oo uu kaga adkaaday doorashada wareeggii koowaad.

Wuxuu baddalayaa hadda Ra’isul wasaarihi hore Malcolm Turnbull oo ku guul dareystay inuu codka kalsoonida ka helo xisbiga talada haya.Turnbull uma uusan tartamin doorashada maqaamka Ra’isul wasaaraha ee xisbiga talada haya.

Wuxuu sheegay inuu iscasilayo kana baxayo siyaasadda.

Magacaabista Scott Morrison ayaa soo gaba gabeyneysa qalalaaso siyaasadeed oo ka dhex oognaa dowlada muxaafidka ah ee Australia xilli ay dalkaasi kusoo dhawaadeen doorashooyinka baarlamaaniga ah oo loo qorsheeyay in ay dhacaan bisha May ee sannadka 2019.

Wuxuu noqo doonaa Ra’isul wasaarihi lixaad ee ay Australia yeelato muddo 11 sano ah.

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM