​Waddanka Ethiopia oo galay xaalad deg-deg ah

Image

ADDIS ABAB, Ethiopia- Xukuumadda Ethiopia, ayaa shaacisay inay waddankeeda ku riday xaalad deg-deg ah muddo lix bilood ah, kadib rabshado ka dhacayay muddo sannad ah.

In kastoo aan la sheegin sababta xukunka loo soo rogay, hadda xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxay sheegayaan inay dib ka faah faahin doonaan.

Wararka ku saabsan xaaladda lagusoo rogay, Ethiopia, ayaa sheegaya in go'aanka la qaatay kadib markii ay sii xoogaysteen bannaanbaxyada ka dhacaya gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromoda.

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii ay banaanbaxyadu billowdeen November-tii kal hore. Dhawaan ayaa waxaa waddanka soo maray isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey booliska iyo dad mudaaharaadayey, ka dib markii 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho dhacday intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.

Dadka banaanbaxayey ayaa ku eedeeyey ciidanka amaanka inay sababeen dhimashada, waxayna bartilmaameedsadeen shirkadaha shisheeye iyo dhismayaasha iyo gaadiidka xukuumadda intii ay banaanbaxyadu socdeen.

Rabshadahan, ayaa ka dhashay tallaabada xukuumadda Addis ku doonaysy inay ku ballaariso caasumadda dalkaas, balse waxaa kasoo horjeestay Beeralay kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada, oo ku andacoonayay inay saamayn u gaysan doonto noloshooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM