Walaalo damacsanaa ku biirista Daacishta Soomaaliya oo dambi qirtay

Image

WASHINGTON, US – Laba ruux oo kasoo jeeda magaalada Lasing ee gobolka Michigan, dalka Mareykanka ayaa qirtay dacwado la xiriira argagixisinimo.

Maxamuud Muuse iyo walaalkiisa Muuse Muuse ayaa qirtay hal dambi oo ah in ay taageereen koox loo aqoonsan yahay argagixiso caalami ah.

Shaqsiyaadkan ayaa bishii Janaayo sanadkii hore 2019 waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha magaaladda Grand Rapids ee gobolkaas.

Saraakiisha amniga ayaa daboolka ka qaadey in ay kusoo wajahnaayeen Soomaaliya si ay uga mid noqdaan maleeyshiyaadka Daacish.

Hay'addaha ammaanka ayaa tilmaamay in labadooda ay cod u duubeen kooxda una direen lacag dagaalame ka tirsan ISIL-Somalia.

Dacwad oogeyaasha ayaa meesha ka saarey kiisas la xiriira in ay qalab ku taageereen ururka iyo in ay adeegsaden Baasaboor been abuur ah

Garsoore Gordon Quist ayaa Maxamed Muuse xukun ku ridi doona 30-ka June, halka Muuse Muuse la xukumi doono 20-ka Maaj.

Sidda ay aaminsan yihiin sharci-yaqaanadda, labadooda waxay wajahayaan 20-sano oo xabsi ah, maadaama gal-dacwadeedkooda uu culus yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM