Waqti cusub oo loo qabtay xiligga ay UK ka baxeyso Midowga Yurub

Image

LONDON, UK – Midowga Yurub ayaa u ogolaadey Britain in qorshaha cusub ee Brexit dib loogu dhigo illaa iyo 31-ka bisha Janaayo ee sanadka dambe.

Axadii, madaxweynaha golaha EU-da, Donald Tusk, ayaa xusay in go'aanka ugu dambeeya lagu gaari doono geedi u socod iyo hanaan qoraal ahaan ah.

Shaacinta Tusk ayaa timid xili diblumaasiyiinta Midowga Yurub ay ku kulmeen Brussels ayna saxiixeen dib u dhigista bixitaanka Boqortooyadda Ingiriiska.

Ka bixitaanka ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in ay dhacdo 31-da bishan October ee sanadkan 2019, taasoo ay u muuqato in ay baaqaneyso.

Wakaalada wararka AFP oo nuqulo kamid ah heshiiska heshay ayaa ku warameysa in ra'iisul wasaare Boris Johnson u baahan in heshiiska marsiiyo baarlamaanka.

Hadii uu ku guuleystay xujadaas hortaala ayaa qorshaha ka bixitaanka waxa uu hirgeli doonaa November 30 ama December 31-ka ee sanadka soo aadan

Balse isla waqtigaas UK ayaa waxaa waajib ku ah in ay soo magacaabato ergay cusub si Midowga Yurub ugala shaqeeyo saxiixa is-afgaradka bixitaanka.

Waa markii labaad oo kama dambeysta bixitaanka la bedelo tan iyo sanadkii 2016-kii xiligaas oo Britain afti dadweyne ku go’aansatay in ay ka baxdo EU-da.

Michel Barnier, ergayga EU-da ee wada hadalada, ayaa Axadii, wuxuu farxad ka muujiyey go’aanka cusub oo uu qeexay in uu yahay "mid wax dhisaya".

Boris Johnson oo horey ugu goodiyey in uu heshiis la’aan UK ka saarayo Yurub ayaa haatan gedaal ka riixaya isku dayga cusub oo dhowr jeer uu ku fashilmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM