Waqtiga ay rasmi ahaan bilaaban doonto bisha barakeysan ee Ramadan

Image

DOHA, Qadar – Iyaddoo badi wadamada Muslimiinta uu fayruska safmarka ah ee Corona go'doon geliyey, malaayiin ruux oo ku nool aduunyada ayaa la rajeynayaa in ay ku soomaan bandowga.

Maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan ayay u badan tahay in ay noqoto 24-ka April oo ku beegan Jimcada soo aadan.

Qadar, Masar, Indonesia, Lebanon, Morocco, Syria, Imaaraadka Carabta iyo badi wadamada kale ee Islaamka ayaa la filayaa in maalinta koowaad ee Soonka ay u noqoto isla Jimcadda.

Dhaqdhaqaaqyo badan oo la sameyn jiray Soonkii waxaa la odorasayaa in ay isbedel ku yimaadaan cudurka Covid-19 dartiisa.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in ay sidooda mamnuuc u ahaan doonan salaadaha Jameecaadka oo uu kamid yahay Taraawiida.

Mareykanka iyo Yurub, dadka Muslimiinta ah ayaa dhankooda la filayaa in Jimcadda ay u noqoto maalinta koowaad ee Soonka.

Sidda ay muujineyso xogtii u dambeysay, fayruska Corona ayaa ku dhacay in ka badan 2.5 milyan oo ruux, waxaa u dhintay ku dhowaad 200-kun, iyaddoo ay kasoo kabteen 700-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM