Warbaahinta Ingriiska oo lagu eedeeyey xaqirista dilkii loo gaystey Cali Abuukar Cali
LONDON- Nin dhalinyaro ah oo Soomaali ah, oo ku dhintay isku dayg dil ah ee loo gaysan lahaa haweeney 82 jir ah oo u dhalatay dalka Britain, ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa geesi.
Cali Abukar Cali, oo 20 jir ah, ayaa Jimcihii la soo dhaafay dhaaqac soo gaarey u dhintey, xilli uu isku dayay inuu joojiyo weerarka toorey ah ee loo gaystey Betty Walsh.
Walsh ayaa weli ku sii jirta cusbitaalka kuna sugan xaalad halis ah laakiin aan ahayn mid nafta halis gelinaysa, sida lagu sheegay bayaan bilaysku soo saaray.
"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyska, asxaabta iyo ehelada Cali Abukar Cali," Tell Mama, oo ka tirsan koox ka shaqeysa dambiyada la xiriira nacaybka ee UK, ayaa bayaan ku sheegtay Isniintii.
"Geesinimadiisa iyo naxariistiisa run ahaantii, waa cajiib. Waa khasaare qoto dheer oo naxdin leh."
Marie iyo James Walsh waxay ku qoreen bogga GoFundMe Cali inuu ahaa "geesi-wuxuu dhintay isagoo isku dayaya inuu badbaadiyo hooyadeen iyo soddohdeen."
Norris Henry, oo 37 jir ah, ayaa loo xiray dhacdada dilka Cali iyo isku daygii dilka Walsh ka dibna waxaa lagu eedeeyay labadaba.
Falcelin la’aanta dilka Cali
Dhanka kale, wararka ku saabsan dhacdadan ayaa lagu eedeeyey warbaahinta dalka Ingriiska ineysan sheegin halka Wiilkaan ka soo jeedo Asal ahaan, waxayna cambaareyn badan kala kulmeen baraha bulshada.
"Markii uu dhacay dilka (MP) David Amess, ereyga 'Soomaali' si weyn ayaa loo xoojiyay dhammaan warbixinnada wararka," Kareem Dennis, oo laga yaqaan baraha bulshada magaciisa 'Lowkey'ku qoran yahay, ayaa ku soo qoray Twitter.
“Wax ka yar hal bil, Cali Abukar Cali waxa uu badbaadiyay haweeney 84 jir ah, waana la dilay, ereyga Soomaaliga haba yaraatee lama soo hadal qaadin, iska daa in meel uun lagu xuso ” ayuu qoray Lowskey oo ah fanaan. iyo nabadoonka deggan London. .
Khaled Beydoun, oo ah aqoonyahan caan ah oo cilmi-baaristiisa ay ka mid tahay Islaam nacayb, ayaa sidoo kale ku biiray dhaleeceynta la'aanta tebinta warbaahinta guud.
"Ninka da'da yar ee Muslimka ah waa geesi, waxaan jeclaan lahaa in saxaafaddu ay aad u xiiseyso inay tabiyaan sheekooyinka geesiyaasha Muslimiinta sida Cali, iyagoo aad u jecel inay tabiyaan "argagixisada" ayuu ku soo qoray Twitter.
Professor-ku waxa uu ka hadlayey hadallo ay qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Ingiriisku si weyn ugu nuux-nuuxsadeen sooyaalka Soomaalida ee Cali Xarbi Cali oo 15-kii October dilay Xildhibaan David Amess oo kamid ahaa dad soo doortey oo uu shir la yeeshay.
GAROWE ONLINE