Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Image

Warbixin ka timid ururada samafalka ayaa iftiimisay xaaladaha bini’aadantinimo ee dunida ka jira ee intooda badan la iska indhatiray sanadkan 2025 — iyada oo la sheegay inay jiraan dhibaatooyin badan oo aan helin taageerada loo baahnaa, isla markaana ay saameyn ku yeesheen malaayiin qof. 

1. Mozambique (waqooyiga Cabo Delgado)
Dagaallo xooggan ayaa ka socda gobolka gaaska hodanka ah ee Cabo Delgado, waxaana ku barakacay in ka badan 1.3 milyan oo qof. Bulshooyinka waxaa ku soo foodsaaray dilal, afduub, qaraxyo iyo gaajo, iyadoo gargaarka bini’aadantinimo uu aad u yaryahay. 

2. Soomaaliya
Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn. In ka badan 4.4 milyan oo qof ayaa wajahaya amni darro cunto iyo baahi gargaar, iyo carruur badan oo halis galaysa. 

3. Kenya
Gobollada qalalan ee Kenya waxaa ka jira gaajo daran oo la xiriirta isbedelka cimilada, biyo la’aan iyo xoolo dhimasho. Dad badan ayaa mar kale lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda sababo la xiriira fatahaado iyo cuduro. 

4. Afghanistan
Afghanistan ayaa hoos uga dhacday qiimihii taageero ee caalamiga ah, iyadoo biyo yaraanta, dhaqaalaha daciifka ah iyo dib u celinta qaxootiga ay dhibaatooyin cusub u horseedeen malaayiin qof. 

5. (Burkina Faso, Mali, Niger)
Deegaannada Sahel-ka waxaa si joogto ah u saameeyay gaajo iyo barakac ka dhashay colaado, roobab iyo cimilada daran — iyada oo malaayiin qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. 

6. Xeryaha Rohingya ee Bangladesh
In ka badan 1.1 milyan oo dadka Rohingya ah ayaa ku nool xeryo ay xaaladoodu aad u liidato, halkaas oo cunno, biyo nadiif ah iyo adeegyo caafimaad ay aad u yaryihiin.

7. Honduras
Honduras waxa ay wajahaysaa isku dhaf dhibaatooyin ah saboolnimo, cimilada isbedelaysa iyo rabshado, taasoo keentay xaalad bani’aadantinimo oo sii xumaanaysa. 

Warbixintu waxa ay xustay in dhibaatooyinkan aysan helin warbaahinta caalamiga ah ama taageero ku filan oo miisaaniyadeed, iyadoo badankood la iska indha tiray maadaama dagaallada sida Gaza iyo Ukraine ay wadeen warbaahinta caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM