Warbixin Cusub: Khataraha Al-Qaacida iyo ISIS oo Sii Kordhaya Afrika iyo Suuriya

Image

Kooxaha Daacish (ISIS) iyo Al-Qaacida ayaa si isa soo taraysa ugu fidaya qaaradda Afrika iyo Suuriya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo Qaramada Midoobay ay soo saartay Arbacadii.

Khabiirada QM ayaa sheegaya in Afrika weli tahay xarunta ugu weyn ee hawlaha argagixisada, iyagoo tusaale u soo qaatay kooxaha sida Jama’a Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ee la xiriira Al-Qaacida oo ku sugan Galbeedka Afrika, iyo Al-Shabaab oo ka dagaalanta Bariga Afrika. Labada kooxoodba waxay si joogto ah u balaadhinayaan dhulka ay maamulaan.

Warbixintu waxay tilmaantay in JNIM ay hadda awood u leedahay weerarro aad u farsamaysan oo ay ku jiraan isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo qaraxyada dhulka lagu aaso (IEDs) gaar ahaan gobolka Saaxil. Dhinaca kale, Al-Shabaab waxay sii xoojisay saldhigeeda Soomaaliya, waxayna la yeelatay xiriir sii kordhaya oo ay la leedahay fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen.

Suuriya ayaa sidoo kale noqotay xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah howlgalada dibadda ee ISIS iyo Al-Qaacida, ka dib markii xilka laga tuuray Madaxweyne Bashar Al-Assad. In ka badan 5,000 oo dagaalyahanno ajaanib ah ayaa la sheegay inay ka qaybqaateen weerarkii bishii Diseembar ee sababay inuu dhaco maamulkii Dimishiq.

Isla mar ahaantaasna, Daacish waxay weli khatar ku tahay Yurub iyo Waqooyiga & Koonfurta Ameerika, iyadoo dadka ku xagjira internet-ka la dhiirrigelinayo falal argagixiso. QM waxay tusaale u soo qaadatay weerar gaari oo lagu fuliyay magaalada New Orleans, Mareykanka, oo lagu dilay 14 qof – taas oo noqotay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Mareykanka tan iyo 2016.

Warbixinta ayaa sidoo kale ka digtay in Daacish ay wajahayso culays dhaqaale, iyadoo mushaarka dagaalyahannada uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, iyo kooxdu ay adeegsato habab qarsoodi ah si ay dhaqaale ugu gudbiso meelaha ay ka hawlgasho iyada oo aan la ogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM