Warbixin: Trump oo amray qareenkiisa inuu been u sheego Congress-ka

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu ku amray qareenkiisa inuu aqalka Congress-ka uga been sheego dadaallo uu doonayey inuu daar loogu magca daray Trump Tower uga dhiso magaalada Moscow.

Warbahainta BuzzFeed News ayaa sheegtay in warkan ay kasoo xigatay laba sarkaal, oo ka tirsan hay’adaha sharci-fulinta Mareykanka.

Ilo-wareedyadan ayaa sheegay in qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen uu u sheegay Robert Mueller oo ah baaraha faro-gelinta Ruushka, in madaxweynaha uu ku amray inuu Congress-ka uga been sheego la-macaamilkiisa Ruushka.

BuzzFeed waxa ay sheegtay in ilo-wareedyada ay warkan kasoo xigatay ay sidoo kale ku lug leeyihiin baaritaanka lagu sameynayo arrintan.

Sida ay BuzzFeed sheegtay, Trump iyo labadiisa caruur, Ivanka iyo Donald Jr, ayaa mar kasta faah-faahin ku saabsan mashruuca dhismaha Trump Tower ee Moscow ka heli jiray Cohen oo ay madax uga dhigeen.

Xilliga Cohen uu Trump uga warbixinayey wada-xaajoodyada uu la lahaa Ruushka ee ku saabsanaa dhismaha daartan, ayaa Trump waxa uu ku mashquulsanaa ololihiisa doorashada, isaga oo beenin jiray inuu wax xiriir gacansi ah la lahaa Ruushka.

Xubnaha diqmoqraadiga ee aqalka wakiilada Mareykanka ayaa sheegay in arrintan ay tahay dambi weyn, islamarkaana ay sameyn doonaan baaritaan ay uga gun gaarayaan xaqiiqda.

VOA 

Related Articles

Cabsi dagaal oo ka taagan Buurhakaba kadib khilaaf ka dhex qarxay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto iska horimaadyo hubeysan.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 02:13PM

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM