WARBIXIN: Ugu dambeyn Trump iyo Kim Jong Un oo ku kulmay Singapore

Image

SINGAPORE- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegey in xiriir wanaagsan la sameyn doono dhigiisa Kim Jong Un bilowga wadahadalada ku dhexmari doona Singapore. Wadahadaladaan ayaa inta ay socdaan diirada saari lahaa khatarta hubka Nukliyeerka.

Hadii wadahadalka maanta u bilowdey labadaan dal guuleysto waxay sababeysaa in nabad ka dhacdo Woqooyi Barri ee dalalka Asia taasoo lamid noqoneysa booqashadii Madaxweyne Richard Nixon ku tagey dalka China 1972.

”Waxaa jiri doona caqabado,” sidaas waxaa yiri Kim, balse waxaa uu wacad ku marey in uu la shaqeyn doono Trump iyagoo horfadhiya calamada labada dal.

Labadaan hogaamiye ayaa muddo 40 daqiiqo kulan gaar ah qaatey kadib markii banaanka uga soo baxeen qolka shirarka ee Hotelka ay dagan yihiin waxay u gudboon halka loogu talagalay iney kulan guud kula qaataan dhinacyada wafdiga ka kooban yahay.

Waxaa la maqley iyadoo laga tarjumayo Madaxweynaha Woqooyiga Kuuriya oo leh “ waxaan u maleynayaa in aduunka oo dhan na daawanayo, kuwa badan waxay u maleynayaan muqaalkaan inuu lamid yahay  iyagoo fiirsanaya filin aan run aheyn.” 

Madaxweynaha Mareykanka oo la waydiiyey sida wadahadalkooda ahaa ayaa sheegey inuu aad u fiicnaa.u

” Waxaan ka gudabney tuhunkii saarnaa in kulankaan qabsoomo, waxaan u maleynayaa in talaabadaan tahay mid amniga caalamka u wanaagsan.” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Fonald Trump.

Trump ayaa safarka Singapore waxaa ku weheliya Xoghayihiisa arimaha dibada, la taliye dhinaca amniga John Bolton iyo agaasimaha guud ee aqalka Cad John Kelly halka Kim wafdigiisa ay kamid yihiin nin horey madax uga ahaa ciidamada sirdoonka Kim Yong Chol, Wasiirka arimaha dibada Ri Yong Ho iyo Ri Su Yong ku xigeenka gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya.

GO+Wakaaladaha

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM