Wariyaal lagu xukumay Masar

Image

29 Augusto, 2015(GO)-Maxkamad ku taalla magaalada Qahir ayaa xukun dhan saddex sano ku riday wariyaal u shaqaynayay Telefishinka Aljazeera kuwaasi oo la xiray Jun 2014.

Masar ayaa wariyaashan ku haysata dambi ah inay faafiyeen warar khaldan iyo taageero ay sheegayaan inay u fidiyeen Akhwaanul Musliminta dalkaasi.

Wariyaashan oo kala ah  Baher Mohamed(Masar), Mohamed Fahmy(Canada) iyo Peter Greste oo u dhashay dalka Australia ayaa labo ka mid ah lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, halka Baher lagu xukumay lix bilood.

War ka soo baxay QM qeybta Xuquuqul insaanka ayaa lagu sheegey inay ka xunyihiin xariga wariyaasha waxayna sheegeen inay taasi ku tacadinayso xuquuqda wariyaasha iyo shaqadooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM

Sucuudiga: Saddex qof oo ku dhintay weerarro Xuutiyiintu ku qaadeen garoomo diyaaradeed

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkii lagu qaaday…

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 02:40AM