Wariye Muslim ah oo loo xiray qoraal uu Twitter ku faafiyey 2018-kii

Image
Zubair, oo ah aasaasaha shabakadda wararka ee Alt News, ayaa fiidnimadii Isniinta lagu xiray New Delhi.

NEW DELHI, India -  Booliiska caasimadda India ayaa xiray wariye Mohammed Zubair oo lagu eedeeyay inuu ku dhaawacay caqiidadi diineed qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka sanadkii 2018-kii.

Zubair, oo ah aasaasaha shabakadda wararka ee Alt News, ayaa fiidnimadii Isniinta lagu xiray New Delhi waxaana lagu sii hayaa maalin xabsiga booliska, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta.

Afhayeenka booliiska Delhi isla markiiba kama jawaabin codsi faallo ah. Taleefannada xafiiskooda ayaa laga jawaabi waayay. Saxafaada waxay dooneysay in ay sharaxaad ka helaan xarigan.

Warbaahinta ayaa ku warantey in qoraalka loo beegsadey Mohammed Zubair ay sheegeen booliska in uu meel uga dhacayo sanabka ay caabudaan dadka Hindus-ka ah.

Saxafiyiinta ayaa dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo. "Wariye Zubayr oo si joogto ah u faafin jiray wararka been abuurka ah, kashifay mashiinnada nacaybka ee Hindiya ayaa hadda la xiray," ayay tiri Rana Ayyub, oo ah wariye kale oo Muslim ah oo inta badan ka faaloota carada Hindus-ka mayalka adag.

"Dalku wuxuu ciqaabayaa kuwa soo wargeliyay, oo diiwaangeliyay hoos u dhaca," ayay hadalkeeda ku dartey Ayyub oo cod dheer ku dalabatay in xorriyadiisa loosoo celiyo saxafiga.

Toban hay'adood oo xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka bishii hore in mas'uuliyiinta Hindiya ay si isa soo taraysa u beegsanayaan suxufiyiinta.

Sidoo kale, dadka la beegsado waxaa kamida ah dadka internet-ka ku dhaleeceeya siyaasadaha iyo dhaqamada dowladda, oo ay ku jirto in lagu maxkamadeeyo sharciga ka hortagga argagixisada iyo kacdoonka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM