Wariyeyaal ka tirsan TV-ga Al Jazeera oo damaanad lagu sii daayey

Image

February 12, 2015 (GO)- Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa amartay in damaanad lagu lasii daayo labo wariye oo ka tirsan telefishinka Al Jazeera.

Labada wariye oo lagu kala magacaabo Baher Mohamed iyo Mohamed Fahmy muddo 411 maalmood ah ayey xabsi ku jireen, waxayna dib maxkamada uga soo hor muuqan doonaan 23-da bisha.

Mohamed Fahmy oo ah Masri haysta dhalashada dalka Canada waxaa lagu sii daayey damaanad lacageed oo gaareysa $33,000 halka Baher Mohamed mudada ay maxkamadeyntiisu socoto lagu xukumey xabsi-guri.

February 1, 2015 ayey ahayd markii sidan oo kale xabsi ku yaalla Masar looga sii daayey kadibna dalkiisa hooyo loogu musaafuriyey weriye Peter Greste oo isna ka tirsan telefishinka Al jazeera.

Dowlada Masar ayaa December 2013 xabsiga dhigtey Baher Mohamed, Mohamed Fahmy iyo Peter Greste saddexdaas wariye oo ka hawlgelayey xafiiska telefishinka Al Jazeera qaybtiisa Englishka ee magaalada Qaahira.

Bishii hore ee January, waxaa magaalada Garowe ka dhacay dibadbax kooban oo wariyeyaasha Puntland ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin xukunka sharci darrada ah ee maxkamad ku taalla dalka Masar ku ridey saddexda wariye ee ka tirsan Al Jazeera. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM