Wariyeyaal ka tirsan TV-ga Al Jazeera oo damaanad lagu sii daayey

Image

February 12, 2015 (GO)- Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa amartay in damaanad lagu lasii daayo labo wariye oo ka tirsan telefishinka Al Jazeera.

Labada wariye oo lagu kala magacaabo Baher Mohamed iyo Mohamed Fahmy muddo 411 maalmood ah ayey xabsi ku jireen, waxayna dib maxkamada uga soo hor muuqan doonaan 23-da bisha.

Mohamed Fahmy oo ah Masri haysta dhalashada dalka Canada waxaa lagu sii daayey damaanad lacageed oo gaareysa $33,000 halka Baher Mohamed mudada ay maxkamadeyntiisu socoto lagu xukumey xabsi-guri.

February 1, 2015 ayey ahayd markii sidan oo kale xabsi ku yaalla Masar looga sii daayey kadibna dalkiisa hooyo loogu musaafuriyey weriye Peter Greste oo isna ka tirsan telefishinka Al jazeera.

Dowlada Masar ayaa December 2013 xabsiga dhigtey Baher Mohamed, Mohamed Fahmy iyo Peter Greste saddexdaas wariye oo ka hawlgelayey xafiiska telefishinka Al Jazeera qaybtiisa Englishka ee magaalada Qaahira.

Bishii hore ee January, waxaa magaalada Garowe ka dhacay dibadbax kooban oo wariyeyaasha Puntland ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin xukunka sharci darrada ah ee maxkamad ku taalla dalka Masar ku ridey saddexda wariye ee ka tirsan Al Jazeera. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Israa’iil siinaya Hub Cusub xili ay xasuuq kawado Gaza

Sida ay sheegeen sarkaal Mareykan ah iyo qof kale oo xog-ogaal u ah qorshahan balse codsaday in aan magaciisa la shaacin, heshiiska ayaa ka kooban:

  • Caalamka

    21-09-2025

  • 10:31AM

Pakistan oo Sheegtay Inay Nukliyeerkeeda Ku Difaacayso Sacuudiga 

Asif ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Israa’iil, isagoo sheegay in, “Isra’iil, in kastoo ay tahay quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    20-09-2025

  • 05:56AM