​Wasiir isu casilay weeraradii Brussels

Image

Weeraradii 22 March, 2016 ka dhacay dalka Belgium waxaa wali ka taagan doodo badan oo la xiriira dayacnaan ka jirta ammaanka dalkaasi iyadoo dhaleecayn loo soo jeediyay wasaaradaha qaybtood kuwaasi oo la sheegay inay iska indho tireen warbixin ay gudbiyeen baarayaal katirsan Midowga Yurub.

Doodaasi, waxay kalliftay inay booska banayso wasiirka gadiidka dalkaas Jacqueline Galant, oo ku andacootay inaysan wax xog ah ka hayn warbixinnada ku saabsan habacsanaanta ka jirta garoomada diyaaradah waddankaasi, iyadoo xustay inaysan helin qoraalka EU-da.

Dikuminti qarsoodi ah oo xogtiisa ay soo saareen baarayaal ka tirsan Midowga Yurub ayaa 2015 lagu ogaaday in ammaanka garoomada diyaaradaha Biljimka aanay xoogganayn.

Weerraradii ay kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah ku qaaday gagida dayuuradaha ee Zaventem iyo boosteejada tareenada laga raaco ee Brussels ayaa waxaa ku dhintay 32 qof.

Ra’iisul Wasaare Charles Michel, ayaa horay u difaacay Ms Galant, baarlamankana waxa uu u sheegay in xafiiskeeda uusan arag warbixinta muhiimka ah.

Wasiir Galant, ayaa iscasilaadiisa kusoo beegay xilli uu jiro walwal xooggan oo dalalka Yurub ka qabaan weerarada ISIS, waxaana qaraxyada Brussels dhaliyeen in la xoojiyo ammaankaa dalkaas gaar ahaan goobaha tareenada iyo diyaaradahu ka duulaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM