Wasiirka caafimaadka ee Ingiriiska oo laga helay xanuunka Corona

Image

Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, cudurkaasi oo haataan laga daweynayo.

Ms Dorries, oo sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka laga mamaarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo dhawaan lix qof ay dalka Ingiriiska ugu dhinteen xanuunka, halka 382 oo ku nool Britain na uu haleelay xanuunkaas.

Qofkii ugu dambeeyay ee u dhinta xanuunka corona ayaa ahaa oday 80 sano jir ah oo markiisi horeba dhul yaal ahaa.

Dhanka kale hey'adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka.

Wasiirka waxaa kale oo ay sheegtay in hey'adda caafimaadka ee England ay haatan bilawday inay raadiyan dadkii ay la macaamiishay ama ay la kulantay iyo shaqaalihii ka shaqeynayay wasaaradda caafimaadka ee ay madaxda ka tahay.

Waxay intaa ku dartay inay ka walwalsan tahay hooyadeed oo 84 sano jir ah, haatanna qufaceyso, taas oo la maleynayo inay qaadsiisay xanuunka.

Ilaa iyo hadda lama oga inta qof ee ay qaadsiisay xanuunkaas iyo shirarka ay ka qeybgashay.

Wasaraadda caafimaadka ee ay hogaamiso waxaa ay xaqiijisay in khamiistii lasoo dhfaay laga helay astaamaha xanuunka, xilligaas oo ay booqatay aqalka looga arrimiyo dalka Ingiriiska ee Downing Street, waxaana halkaas ay kula kulantay ra'iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson.

Ilaa iyo hadda lama oga in xanunkaas uu ku dhacay ra'iisul wasaaraha iyo inkale iyo in laga baaray.

Siyaasiyiinta kale ee la kulmay haweeneydaas ayaa haatan lagu wadaa in laga baaro xanuunka corona.

"Waan dareemi karaa sababta dadka ay uga walwalsan yihiin xanuunkan, waxaan sameyn doonaa waxwalba oo karaankeena ah, si looga shaqeeyo badqabka dadka,"ayay tiri.

Dalka Britain ilaa iyo hadda waxaa laga sameeyay 25 kun oo baaritaan, waxaana saraakiisha caafimaadka ee dalkaas ay sheegeen inay ka shaqeynayana sidii ay ula tacaali lahaayeen haddii kiisas horleh ay soo baxaan.

Xanuunka Corona, dhaqaalaha adduunka oo keliya ma uusan saameynin oo waxaa lagu soo warramiyay in uu sidoo kale saameyn ku yeeshay ciyaaraha kubada cagta.

Maalinta arbacada waxaa uu qorshaha ahaa inay wada dheelaan kooxaha Man City iyo Arsenal, kuwaas oo u ballansanaa ciyaar katirsan horyalka Ingiriiska, balse ciyartaas waa la baajiyay.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii looga gaashaman lahaa faafidda xanuunka oo fara ba'an ku haya dalal badan oo caalamka.

Sidoo kale milkiilaha kooxda kubada cagta ee Olympiakos, Evangelos Marinakis, ayaa isna laga helay xanuunka Corona.

BBC

Related Articles

Lavrov: Mareykanka wuxuu u weeraray Iran iyo Venezuela si uu u xukumo tamarta adduunka

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ee dalalka Iiraan iyo Venezuela ay si cad ugu xiran yihiin danaha tamarta.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 08:10AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM