Wasiirkii arimaha gudaha Kenya oo la eryey iyo taliyihii booliska oo is casiley

Image

December 2, 2014 (GO)- Kadib weerarkii dadka badan lagu laayey ee gelinkii hore ee maanta ka dhacay degmada Mandheera ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo goor dhoweyd shir-saxaafadeed ku qabtay madaxtooyada Nairobi wuxuu sheegay inuu xilka ka qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kenya Joseph Ole Lenku.

Kenyatta ayaa shirkiisa jaraa'id ku faah faahiyey sababta uu go'aankaas u qaatay isoo sheegay inuu la xiriiro ammaanka sii xumaanaya, weerarradii dadka badan lagu diley ee Al-shabaab ka geysatey gudaha Kenya iyo weliba habacsanaanta ka jirta dhanka laamaha ammaanka.

Madaxweynaha Kenya wuxuu intaas ku daray in Joseph Ole Lenku oo muddo labaatan bilood ah xilkaas soo hayey lagu bedeley Joseph Nkaissery oo ah jeneraal horay ciidamada Kenya uga tirsanaa hadase ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka kana soo galay xisbiga ODM.

Dhanka kale waxaa isla maanta is casiley taliyihii hore ee booliska Kenya David Kimaiyo isagoo istiqaaladiisa usoo gudbiyey Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kenyatta ayaa aqbalay istiqaalada David Kimaiyo wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi adag mudadii uu xilka hayeyna dalkiisa si hagar la'aan ah ugu soo shaqeeyey.

Ammaanka Kenya ayaa faraha kasii baxayey laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasoo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya dhinaca Soomaaliya usoo tallaabeen.

Labadii todobaad ee ugu dambeeyey oo keliya waxaa gobolka Waqooyi Bari Kenya oo xad laleh Soomaaliya lagu diley in ka badan lixdan qof oo rayid ahaa.

Weerarkii ugu dambeeyey oo dhacay goor hore oo saaka ahayd islamarkaana lala beegsaday goob dhagaxa laga jebiyo oo ku taalla duleedka Mandheera waxaa ku geeriyoodey 36 qof.

Al-shabaab oo horay u sheegatay mas'uuliyadda weerarkii lagu diley dadkii ku safrayey baska ayaa sidoo kale sheegatay inay ka dambeysey weerarka saaka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM