Weerar dad lagu laayey oo ka dhacey magalada Istanbul

Image

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in sodon iyo shan qof la dilay halka afartan kalena ay dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan u weeraray xarun lagu caweeyo oo ku taala magaalada Istanbul

Ugu yaraan hal nin oo hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ku lug lahaa weerarka loo geystay goobta lagu caweeyo ee Reina, ee deeganka Ortakoy, oo ah meel ay degan yihiin dadka tujaarta ah.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in ninka hubeysan u gudaha u galay goobta lagu caweeyo isaga oo ku labisan dharka dabaaldega ciidaha masiixiga. Kadibna wuxuu si arxan daro ah rasaas ugu furey dadkii meesha ku jiray.

Mid kamid ah ciddamada booliska ayaa weerarkaasi ku nafwayeey.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa goobta baaritan ku sameynaya ayadoo gawaarida gurmadka degdega ahna ay ku suganyihiin goobta weerarka u ka dhacay.

Boqolal qof ayaa ku sugnaa goobta lagu caweeyo xilliga weerarka uu dhacayay halka qaar ka mid ah dadkana ay biyaha badda isku tuuren cabsi daradeed taasoo qasabtay in lasoo badbaadiyo.

BBC

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM