Weerar Drone oo Lagu Qaaday Kaabayaasha Shidaalka Sacuudiga

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya — Sacuudi Carabiya ayaa si ku-meel-gaar ah u joojisay shaqada dhuunteeda muhiimka ah ee shidaalka ee isku xirta bariga iyo galbeedka dalka, kadib markii ay weerareen diyaarado aan duuliye lahayn oo la sheegay inay ka soo duuleen Ciraaq.

Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa sheegtay in hakinta dhuunta, oo loo yaqaan East-West Pipeline, ay tahay tallaabo taxaddar ah, iyadoo kooxaha gurmadka iyo farsamayaqaannadu ay qiimeynayaan waxyeellada isla markaana bilaabay dayactirka. Weerarrada ayaa sababay dhaawacyo iyo khasaare soo gaaray kaabayaasha dhuunta.

Dhuunta oo dhererkeedu yahay ku dhowaad 1,200 kiiloomitir ayaa isku xirta xarumaha saliidda ee bariga Sacuudiga iyo dekedda Yanbu ee ku taalla Badda Cas. Waxay Riyadh u oggolaaneysaa inay saliid u dhoofiso suuqyada caalamka iyadoo ka fogaanaysa marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandab?

Weerarka ayaa kusoo beegmaya xilli marinka Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed ay wajahaan xiisad sii kordheysa, halka dhaqdhaqaaqyada maraakiibta ee marinka Hormuz ay sidoo kale carqaladoobeen.

Dowladda Sacuudiga ayaa si rasmi ah ugu eedeysay weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inay ka soo duuleen dhulka Ciraaq. Riyadh ayaa sheegtay inay hadda ka gaabsatay jawaab militari kadib codsi ka yimid ra’iisul wasaaraha Ciraaq, si Baghdad loo siiyo fursad ay ku qaaddo tallaabooyin looga hortagayo weerarro kale oo laga soo qaado dhulkeeda.

Si kastaba, Sacuudiga wuxuu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu qaado tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si uu u ilaashado madax-bannaanidiisa, amnigiisa iyo xarumaha muhiimka ah.

Dowladda Ciraaq ayaa bilowday baaritaan ku saabsan weerarka. Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, ciidamada Ciraaq waxay ogaadeen in weerarrada laga soo qaaday goob ku taalla gobolka Maysan, waxaana xilka laga qaaday sarkaal militari oo madax ka ahaa taliska hawlgallada gobolka.

Dhuunta East-West ayaa muhiimad gaar ah yeelatay xilligan, maadaama ay Sacuudiga siinayso waddo kale oo uu saliidda uga dhoofiyo Badda Cas iyadoo aan loo marin marin-biyoodka Hormuz.

Warbaahinta iyo falanqeeyayaasha shidaalka ayaa sheegay in dhuuntu bilihii u dambeeyay qaadi kartay malaayiin foosto oo saliid ah maalintii, taasoo ka dhigaysa qayb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha tamarta Sacuudiga.

Weerarka iyo hakinta dhuunta ayaa sidoo kale kordhin kara walaaca laga qabo sahayda shidaalka caalamka, iyadoo xiisadaha Bariga Dhexe ay horey u saameeyeen wax-soo-saarka iyo dhoofinta saliidda.

Riyadh ayaa hadda sugaysa tallaabada dowladda Ciraaq, iyadoo aan meesha laga saarin suurtagalnimada jawaab militari haddii weerarro kale laga soo qaado gudaha Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta oo qabsaday jasiirad istiraatiiji ah, Sacuudiga oo xiray dhuun shidaal oo muhiim ah

Qabsashada jasiiradda Mayun, oo sidoo kale loo yaqaan Perim, ayaa Xuutiyiinta siinaysa…

  • Caalamka

    12-09-2026

  • 08:04AM

Dukumiintiyo sir ah oo muujinaya in UK ay 24 sano ka warqabtay Dambiyada Dagaal ee Israel

Sida ku xusan dukumiintiyada, ciidamada Israel ayaa bishii keliya ku dilay Daanta Galbeed ku dhowaad 500 Falastiiniyiin ah.

  • Caalamka

    12-09-2026

  • 05:16AM