Weerar ka dhacay Sweden iyo wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha

Image

Booliska Sweden ayaa Jimcaha maanta xirey nin lagu eedeynaayo in uu dad middi ku weeraray, kaas oo dhaawacay hal qof, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ninkaasi ayaa lagu xirey xarunta akadeemiyada booliska ee Stockholm.

Booliska ayaa sheegey in qofka la dhaawacey lagu weeraray koonfurta Stockholm, waxana loola cararay isbitaal.

Booliska ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen waxayna la hadleen dad goob joogayaal ah, si ay wax uga ogaadaan isku deyga dil, sida ay saraakiil sheegeen.

Warygeyska Aftonbladet ayaa wariyay in ninka middida dadka ku weeraray ay qabteen ardey iyo macallimiin ku sugnaa meel u dhow xarrunta tababarka ciidamada booliska.

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM