Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Image

Ugu yaraan 16 qof, oo ay ku jiraan shan askari oo boolis ah, ayaa ku dhintay, halka in ka badan 56 kalena ay ku dhaawacmeen qarax iyo iska horimaad hubeysan oo ka dhacay masaajid ku yaalla waqooyi-galbeed Pakistan.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla xarun boolis oo ku taalla magaalada Kohat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa, oo u dhow xadka Afghanistan. Weerarku wuxuu dhacay xilli dadku isugu soo ururayeen salaadda Jimcaha.

Weerarka kadib waxaa goobta ka dhacay dagaal hubeysan, iyadoo khasaaraha ugu badan uu gaaray dadkii ku sugnaa masaajidka iyo ciidamada ammaanka.

Tuhunka weerarka ayaa la filayaa inuu ku wajaho ururka Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), inkastoo aan weli la xaqiijin cidda mas’uuliyadda qaadatay.

Dhacdadan ayaa timid maalin kadib markii qarax miino oo waddada dhinaceeda lagu aasay uu ku dhacay kolonyo ciidamada ammaanka ah degmada Hangu, halkaas oo lix askari lagu dilay.

Ciidamada dowladda Pakistan ayaa Khamiistii sidoo kale howlgallo ka sameeyay deegaanno kala duwan, iyagoo sheegay inay dileen 10 dagaalyahan oo looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeen TTP.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM

Sucuudiga: Saddex qof oo ku dhintay weerarro Xuutiyiintu ku qaadeen garoomo diyaaradeed

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkii lagu qaaday…

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 02:40AM