Weerarkii Dallas oo hal qof uu ka dambeeyay

Image

Maamulka dalka mareykanka waxa uu sheegayaa in weerarkii Dallas uu ka dambeeyay qof keli ah.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay shan askeri waxaana ku dhaawacmay todobo kale. Waxa uu ahaa 25 sano jir ka mid ahaa ciidamada kayda ee Mareykanka, wuxuuna horey uga soo dagaallamay dalal ay Afghanistan kamid tahay.

Ninkaasi dhallinyarada ah waxaa lagu magacaabay Micah Johnson.

Johnson ayaa rasaas oodda uga rogay ciidamada, kadib markii uu ka carooday dilka dadka madowga ah. Laakiin booliska ayaa markii ay ku guuldareysteen inay xiraan ninka waxay u direen qalab bam lagu xiray oo lagu qarxiyay. Duqa magaalada Dallas, Mike Rawlings, waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in magaaladda hadda ay nab-doontahay. 

Duqa gobolka Texas, Greg Abbott, waxa uu sheegay in ay wanaagsan tahay in lala socdo haddii ay jiraan dad kaloo doonaya inay weerar qaadaan. Guriga ninka weerarka qaaday oo booliska ay baareen waxaa lagu helay qalab bamboo laga sameeyo, qoryo iyo rasaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM