WFP oo dhintey cuntada la siiyo qaxootiga ku jira xeryaha Kenya

Image

November 15, 2014 (GO)- Hay'adda WFP ayaa sheegtay in laga bilaabo maanta la dhimi doono 50% deeqda cuntada ah ee la siiyo qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.

Go'aanka cunto dhimista WFP waxay u sababaysay dhaqaale yari soo wajahday, maadaama hoos dhaceen lacagihii deeq bixiyeyaashu hay'adda ku kaabi jireen.

Cunto dhimista oo sii socon doonta muddo afar bilood  ah waxaa walaac xooggan ka muujiyey dadka qaxootiga oo noloshoodu si toos ah ugu tiirsan tahay gargaarka cuntada ee WFP siiso.

Dhanka kale waxaa jirta cabsi laga qabo in nafaqo darro soo wajahdo carruurta yaryar iyo dadka da'da ah oo markii horeba aan daryeel fiican haysan.

Bishii November ee sanadkii hore 2013 ayey sidan oo kale hay'adda WFP u dhintey 20% gargaarka cuntada ah ee la siiyo qaxootiga Soomaalida u badan ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta oo ku hanjabay inay “go’doomin” ku soo rogi doonaan Sacuudiga 

Weerarkii lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Sancaa ayaa yimid xilli xiisadda gobolka ay sii kordhayso.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 05:04AM

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM