WHO oo ku dhawaaqdey in Coronavirus yahay cudur faafaya

Image

WASHINGTON, US - Hay'adda caafimaadka aduunka "WHO" ayaa ku dhawaaqdey in cudurka caronavirus yahay mid faafaya "Pandemic"  kadib markii uu ku dhacey dad kor u dhaafaya 118000 kuwaas oo ku kala nool 114 wadan islamarkaana diley 4291 qof.

Waxaan ugu yeeraa maalin walba wadamada iney qaadaan talaabooyin adag oo degdeg ah. Waxaan Gambaleelka u yeerinaa dhawaaq dheer," sidaas waxaa yiri madaxa WHO Tedrod Adhanom maalinimadii Arbacada. 

Hogaamiyaasha dalalka ku bahoobey midowga Yurub waxay qaadayaan talaabooyin muhiim ah si ay u xakameeyaan faafida cudurkaan kaas oo markiisii hore ka soo bilowdey dalka China dhamaadkii sanadkii Hore.

Virus-kaan ayaa ku faafay dalka Mareykanka iyo dalal kale oo cusub sida Bolivia, Honduras iyo Turkey, halka Indonesia, Bulgaria iyo Sweden ay sheegeen in dadkii ugu horeeyey u dhinteen cudurkaan.

Dad ka badan 66,000 oo qof ayaa ka bogsoodey cidurkaan aduunka oo dhan, xogtaan ayaa laga soo xigtey jaamacada John Hopkins.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM