Wiilka Trump oo dowladda aabihiisa siisay qandaraasyo uu ka taajiray

Image

Washington, D.C. — Warbixin cusub ayaa muujisay in wiilka ugu weyn ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, uu ku dhow yahay inuu si weyn uga faa’iido qorshe cusub oo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) lagu horumarinayo maraakiib iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

Qorshahan, oo ay wadaan laba shirkadood oo kala ah Red Cat oo fadhigeedu yahay Puerto Rico, iyo Unusual Machines oo ku taalla Orlando, Florida, ayaa la sheegay inuu yahay mashruuc halis ah oo lagu doonayo in lagu dhiso maraakiib yaryar oo aan duuliye lahayn oo lagu qalabeeyo drone-yo dagaal, gantaallo iyo hub casri ah.

Warbixintu waxay sheegtay in Don Jr uu haysto 200,000 oo saamiyo oo uu ka helay shirkadda Unusual Machines sanadkii hore, isagoo ku beddelan talo-bixin uu siiyay shirkadda. Saamiyadan ayaa hadda lagu qiyaasaa inay qiimahoodu gaarayo $2.6 milyan oo doolar.

Inkasta oo shirkadda iyo saraakiisha Pentagon ay sheegeen inuusan Trump Jr. si toos ah ugu lug lahayn wadahadallada rasmiga ah ee heshiiska, haddana xiriirkiisa dhow ee uu la leeyahay mas’uuliyiin muhiim ah oo ka tirsan waaxda difaaca ayaa keenay su’aalo ku saabsan isdhexgalka ganacsi iyo siyaasadeed ee qoyska Trump.

Mashruucan cusub ayaa noqon kara tijaabo siyaasadeed iyo mid anshaxeed oo lagu qiimeynayo sida ay saameyn ugu yeelan karaan danaha qoyska madaxweynihii hore ee ku wajahan qandaraasyada difaaca Mareykanka, xilli ay sii kordhayaan eedeymaha ku saabsan isku dhafka awoodda siyaasadeed iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Arrinta wiilka Trump ma aha markii ugu horreysay ee xubno ka tirsan qoysaska madaxda Mareykanka ay si toos ah ama dadban uga faa’iidaystaan ganacsiyo la xiriira dowladdu.

Laba wiil oo uu dhalay George H.W. Bush — George W. Bush iyo Neil M. Bush — ayaa ku jiray ganacsiga batroolka xilligii aabahood uu ahaa Madaxweyne Ku-xigeen.

Hunter Biden, wiilka Madaxweyne Joe Biden, ayaa la sheegay inuu mushahar ka qaadan jiray shirkado uu u ahaa lataliye markii aabahood uu joogay xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka.

Sidoo kale, wiilka Madaxweyne Franklin D. Roosevelt ayaa lahaa dano dhaqaale oo ku jiray shirkad caymis oo fadhigeedu ahaa Boston, taas oo heshay qandaraasyo shirkado xiriir la leh dowladda, xilli uu wiilkaasi ka shaqeynayay Aqalka Cad.

Xogahan ayaa muujinaya in xiriirka u dhexeeya qoysaska madaxda iyo ganacsiyada gaar loo leeyahay uu muddo dheer ahaa arrin muran dhalisa gudaha siyaasadda Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Cunaqabateyn ku soo rogay Madaxweynaha Colombia iyo Qoyskiisa

Xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Colombia, oo muddo dheer ahaa saaxiibka ugu muhiimsan ee Washington ee Koonfurta Ameerika.

  • Caalamka

    25-10-2025

  • 09:20AM

Trump oo Cunaqabateyn Cusub Saaray Ruushka

Shirkadda Rosneft, oo ah tan labaad ee ugu weyn dalka, ayaa sanadkan sheegtay…

  • Caalamka

    23-10-2025

  • 07:42AM