Xaalad Deg Deg ah oo la geliyay Itoobiya kadib Iscasilaadii Hailemariam

Image

ADDIS ABABA - Dalka Itoobiya ayaa la geliyay Xaalad Deg Deg ah, maalin kadib markii uu si lama-filaan ah isku casilay Ra'iisul Wasaarihii dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Gollaha Wasiiradda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay Xaaladda Deg Dega ah waxaana uu dhaqan-galayayaa isla maanta oo Jimco ah, sida ay baahisay Warbaahinta qaranka dalkaasi ee EBC.

Lama oga mudada ay socon doonto Xaaladda Deg Dega ah, balse illo xog-ogaal ah ayaa uu sheegay Wargeyska "Addis Standard" in Gollaha Wasiirada ay ka doodayaan saddex illaa Lix bilood midka laga dhigayo.

Bishii August, 2017, Itoobiya ayaa qaaday Xaalad Deg Deg ah oo mudo 10 bilood saarnayd dalkaasi, taasi oo lagu soo rogay wadankaasi kadib markii ay ka qarxeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaaradda oo ka dhigan 61% shacabka dalka Itoobiya ayaa billaabey 2015 banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in dowladda wax ka qabato ku xad-gudubka xaquuqda aadanaha ee ka dhacaya gobolladooda.

Xaaladda Deg Dega ah ee lasoo rogay ayaa lagu tilmaamay mid aan loo baahnayn xilligan, islamarkaana uga sii darayso xaaladda degnaansho la'aanta iyo rabshadaha ka jira dalkaasi.

Felix Horne, oo ah Cilmi-baare Human Rights Watch u qaabilsan Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay xabsiga dhigeen 20,000 oo qof intii ay socotay xaaladii deg dega ahayd ee sanadkii tagey.

Hubanti la'aanta Mustaqbalka Itoobiya

Hailemariam, oo xafiiska soo joogay tan iyo 2012 ayaa ku dhawaaqay Khamiistii inuu iska casilay Xilkii Ra'iisul Wasaarenimo ee Itoobiya iyo Gudoomiyenimada xisbiga talada haya ee EPRDF [Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front].

Wuxuu ku sheegay sababta Iscasilaadiisa mid la xiriirta "deganaansho la'aanta iyo qalalaasaha Siyaasadeed" ee ka jira dalkaasi, oo uu doonayo in wax laga qabto, lana sameeyo Isbedel dhanka nabada iyo dimuqraadiyadda.

Hailemariam ayaa intaasi ku daray inuu sii heyn doono xilka ilaa Xisbigiisa iyo Baarlamaanka ay ka aqbalayaan, islamarkaana ay kasoo magacaabayaan Ra'iisul Wasaare cusub, oo awoodda kala wareegga.

Xisbiga EPRDF ayaa aqbalay Iscasilaadda Hailemariam.

Tsedale Lemma, oo ah Gabadha Tifaaftiraha Guud u ah Waregyska Addis Standard ayaa sheegay in tan iyo markii uu geeriyooday Meles Zenawi, sanadkii 2012 uu jiray loolan u dhaxeeya hogaanka sare ee xisbiga talada haya ee EPRDF.

In Ra'iisul Wasaaraha cusub laga dhigo nin kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada ayay sheegtay Lemma inay tahay wadada ugu wanaagsan ee loo mari karo dejinta xiisadaha ka taagan Itoobiya.

Qof kasta oo bedela Hailemariam waxaa looga fadhiyaa inuuu isbedel la taaban karo ku sameeyo Dastuurka cuburinta badan ee dalkaasi iyo inuu xaqiijiyo madax-banaanida Xeer-beegta/Garsoorka.

Mulatu Gemechu, oo ah ku xigeenka Xoghayaha Ururka Mucaaradka Federaal doonka ee Qowmiyadda Oromo ayaa sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay hanaan Siyaasadeed cusub [new political system] oo wax ka qaban kara xaaladda dalkaasi uu ku jiro.

"Shacabka Itoobiya waxay u baahan yihiin dowlad dhowrta xuquuqdooda, uma baahna mid dadka gabood-fal iyo dil kula kacaysa," ayuu yiri Mulatu Gemechu oo la hadlay Reuters.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM

Israel iyo Xamaas oo Gaadhay Heshiis Xabbad-joojin ah

Heshiiskan, oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa…

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 10:21PM