​Xabad joojinta Yemen oo dhammaatay

Image

Isbaheysiga uu sacuudiga horkacayo ayaa maanta oo Axad ah sii wada duqymaha cirka ee ay ku hayeen baraha Xuutiyiinta eek u yaala agagaaraha magaalada Sanca.

Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya saacado ka dib markii uu waqtigu ka dhamaaday xabad joojin socotay 72 saacadood.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Yemen, Ismail Ould Cheikh Ahmed, ayaa sheegay inuu rajo ka qabay in xabad joojintu ay sii socota – oo ay doonayaan in xabad joojin midda ka balaaran ay ka dhaadhciyaan dhinacyada dhowrka maalmood ee soo socda .

Labada dhinaca ayaa u muuqda inay adeecayaan xabad joojinta in kastoo meelaha qaar laga soo sheegayay intii ay socotay israsaaseyn mararka qaar dhaceysay.

Dagaalada Yemen ayaa bilowday markii Jabahadda Xuutiyiinta ee Shiicada ay ku kaceen dowladda sanadkii 2014kii, waxaana ku dhintay kumanaan qof halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

VOA

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM