Xasan Sheekh oo tacsi u direy dalka Imaaraadka Carabta

Image

07 September, 2015(GO)- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Madaxweynaha dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayid Al Nahyan iyo shacabka Imaaraadka, isagoo uga tacsiyadeeyay dilkii 45 askari oo lagu dilay dalka Yemen.

‘’Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto geesiyaasha dhintey, waxay naftooda ku waayeen iyagoo difaacaya qaddiyad ku dhisan xaq iyo caddaalad, dhimashadoodana ma hakin doonto taageerada Jaamacadda Carabta ay ka geysaneyso nabad ka aslaaxinta Yemen’’Ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa askarta dhimatey Ilaahay uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, qoysaskii iyo shacabka ay ka tageenna uu Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.

Ciidammadan ayaa qeyb ka ahaa isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo ee taageeraya dowladda ka jirta Yemen, waxaam weerar dhacay Jimcihii lagu diley 45 askari oo u dhashay Imaaraadka Carbta, 10 askari oo laga diley Sucuudiga, waxaa sidoo kale jiray 5 askari oo ka timid Baxreyn oo goobtaasi ku dhimatay iyo tiro aan la sheegin oo kamid ah ciidamada Yemen.

Askarta ka dhimatay dalka Imaaraadka ayaa Aas Qaran loo sameeyay dalkaasi waxaana lagu dhawaaqay Saddex bari oo baroor diiqa ah, halka weerar aargudasho ah laga fuliyay dalkaasi Yemen waxaan qaaday Diyaaradaha daagaalka ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM