Xeer-ilaaliyaha guud ee Masar oo qarax lala beegsaday

Image

June 29, 2015 (GO)- Kolonyo uu la socdey xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Masar ayaa qarax lagula beegsaday magaalo madaxda dalkaas ee Qaahira.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Xeer-ilaaliye Hisham Barakat iyo kolonyadiisa qarax lala beegsaday xilli uu marayey xaafadda Masarta Cusub.

Sarkaalka ayaa xusay in Xeer-ilaaliyaha iyo labo ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah oo dhaawac fudud qaba loo qaaday isbitaalka.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi geystey, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM