Xero la karan-tiilay markii 20 qaxooti ah laga helay Coronavirus

Image

ATHENS, Greece – Dowladda Greece ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay Coronavirus ka heshay qaxooti tiradoodu ay gaareyso 20 ruux.

Soo galootiga ayaa waxay ku sugan yihiin xerada lagu magacaabo Ritsona oo ku taala bartamaha waddankas dhaca Balkans-ka.

Xeradaas ayaa waxay marti gelisaa muhaajiriin tiradooda ay gaareyso 2,300, sidda ay sheegtay Wasaaradda Socdaalka dalkaas.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in ay la karan-tiilay dhamaan dadka ku dhaqan xerada, si looga hortago faafitaan horleh.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in ay baarayaan halka ay kasoo qaadeen qaxootiga qaadey fayruskaas dilaaga ah.

Kiisaska Covid-19 ee gudaha dalka Greece ayaa ka badan boqolaal, iyaddoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ay jirto geeri.

Xukuumadda Athenes ayaa mar sii horeysay qirtay in qaxootiga ay u nugul yihiin xanuunka, kuna dedaaleyso badqabkooda.

Greece ayaa kamid ah wadamada dhaca qaarada Yurub ee aad ay ugu qulqulaan qaxootiga ka caraya wadamada colaaduhu ka jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM