Xiisad cusub oo ka dhex qaraxday Ruushka iyo Israel

Image
Labadan dal oo hawada isku-mariyey hadalo ayaa isku qabtey duulaanka maamulka Putin ku qaadey Ukraine.

MOSCOW, Russia – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa ku eedaysay Israa'iil in ay taageerto neo-Nazis-ka Ukraine, taas oo cirka isku sii shareeraysa khilaafkii billowday markii wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov uu sheegay in Adolf Hitler uu asalkiisu Yahuud yahay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Yair Lapid ayaa Isniintii sheegay in hadalka Lavrov uu ahaa been “aan la cafin karin” oo isku dayay in la yareeyo argagaxa Holocaust – xasuuqii lix milyan oo Yuhuudi Yurub ah iyo kooxaha kale ee laga tirada badan yahay ee Nazi Germany.

Hogaamiyaasha dhowr wadan oo reer galbeed ah ayaa dhaleeceeyay Lavrov, kaas oo la waydiiyay sida uu Ruushku u sii wadi karo yoolkiisa la sheegay ee ah "in laga takhaluso" Ukraine marka madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy laftiisu uu yahay Yuhuudi. Zelenskyy, oo wadankiisu yahay dimoqraadiyad baarlamaani ah, ayaa ku eedeeyay Ruushka inay iloobeen casharadii dagaalkii labaad ee aduunka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay in faallooyinka Lapid ay yihiin "taariikh liddi ku ah" oo "ay si weyn u sharraxayaan sababta xukuumadda hadda jirta ee Israel u taageerto nidaamka neo-Nazi ee Kyiv".

Moscow waxay ku celisay qodobka Lavrov ee ah in Zelenskyy asalkiisu Yahuudda uusan ka hor istaagin Ukraine in ay maamulaan neo-Nazis.

"Naceybka nolol maalmeedka iyo siyaasadda lama joojiyo oo waa laga soo horjeedaa [Ukrayn]," ayaa lagu yiri bayaan.

Israa’iil ayaa taageero u muujisay Ukraine ka dib duulaankii Ruushka ee bishii February. Laakin waa ay ka digtoontahay in ay dhaawacdo xiriirka Ruushka, oo ah dal awood badan kuna sugan dalka deriska ah ee Suuriya, ayaa markii hore ka fogaatay dhaleeceynta tooska ah ee Moscow, mana aysan dhaqan gelin cunaqabateyn rasmi ah oligarchs Ruushka.

Taasi waxay u gogol xaaraysay ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftali Bennett in uu awoodo in uu isku dayo in uu dhexdhexaadiyo dhinacyada, dadaalkaas oo u muuqda in uu hakad galay iyada oo Israa'iil ay la tacaalayso kacdoonkeeda gudaha.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka ayaa sii xumaanaya, iyadoo Lapid bishii hore uu ku eedeeyay Ruushka inuu dambiyo dagaal ka geystay Ukraine.

Sidoo kale, Israa’iil waxay gargaar bini’aadannimo u dirtay Ukraine, waxayna taageero u muujisay dadkeeda, laakiin dawladdu kuma biirin cunaqabataynta caalamiga ah ee ka dhanka ah Ruushka.

"Kadib markii Kremlin-ku sheegtay in Israa'iil ay taageerto Naasinimada, waxaan qabaa hal su'aal oo keliya. Ma jiraa waddan aan Nazi ahayn oo adduunka oo dhan ka jira aragtida Ruushka? Marka laga reebo Syria, Belarus iyo Eritrea, dabcan,” lataliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa ku qortay Tweetterka Talaadadii, isagoo xusay wadamada taageeray waxa Moscow ay ugu yeertay "hawlgalkeeda gaarka ah" ee Ukraine.

Khudbad uu dhamaadkii bishii March u jeediyay baarlamaanka Israa’iil, Zelenskyy waxa uu ugu baaqay Israa’iil in ay “doorasho samayso” iyada oo taageerta Ukraine ee ka dhanka ah Ruushka, waxana uu ka codsaday dawladda Yuhuudda in ay siiso hub.

Naasinimada ayaa si weyn uga dhex muuqatay ujeedooyinka dagaalka iyo sheekada Ruushka marka ay ka dagaalamayaan Ukraine.

Madaxweyne Vladamir Putin oo isku dayaya in uu xalaaleeyo dagaalka ay ku jiraan muwaadiniinta Ruushka, ayaa ku tilmaamay dagaalka lagula jiro Naasiyiintii Ukraine, inkastoo dalkaasi uu ka jiro dowlad si dimoqraadi ah loo soo doortay iyo Madaxweyne Yuhuudi ah oo qaraabadiisa lagu dilay Xasuuqa.

Putin wuxuu tixraacay joogitaanka cutubyo ay ka mid yihiin guutada Azov ee ka tirsan millatariga Ukraine mid ka mid ah sababaha uu u bilaabay waxa loogu yeero "howlgal milatari oo gaar ah".

Azov waa unug milatari oo mutadawiciin ah oo dhan midigta fog oo la aasaasay 2014 si ay ula dagaallamaan gooni-u-goosadka Ruushka ee gobolka Donbas ee bariga Ukraine. Xubnaheedii hore waxa ay ahaayeen kuwa xagjir ah waxaana lagu eedeeyay in ay haysteen neo-Nazi iyo fikirka sare-sare ee cadaanka. Unugga ayaa tan iyo markaas lagu daray Ilaalada Qaranka ee Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo raadinayaa siyaabo uu ugu badbaadiyo TikTok in laga mamnuuco Mareykanka

Jimcihii waxay sheegeen, in calaamad madoow ay u soo bixi doonto dadka adeegsado ee cinwaannada ku leh TikTok ee gudaha Mareykanka.

  • Caalamka

    19-01-2025

  • 05:26AM

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM