Xiisadda Mareykanka iyo Venezuela oo cirka isku shareertay

Image

WASHINGTON - Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa ku amartay shaqaalaheeda aan muhiimka ahayn inay kasoo baxaan dalka Venezuela, hase yeeshee ma xireyso safaaradeeda magaalada Caracas, sida ay sheegtay.

Madaxweynaha lagu muransan yahay ee Venezuela, Nicolas Maduro ayaa arbacadii sheegay inuu xiriirka diblomaasi u jaray Mareykanka, isaga oo ka jawaabaya dhawaqa madxweynaha Trump ee ahaa in madaxweynaha Golaha Qaranka Juan Guaido uu u aqoonsan yahay inuu yahay hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Venezuela

Maduro ayaa ku amray diblomaasiyiinta Mareykanka inay 72 saac gudahood uga baxaan dalka. Hase yeeshee xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Maduro uusan hadda lahayn awood uu sidaas ku sameeyo.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay shaqaalaha aan muhiimka ahayn usoo saareyo sababo amni, islamarkaana muwaadiniinta kale ee Mareykanka ay si xooggan uga fakaraan inay dalkaas ka tagaan.

Muranka caalamiga ah ee ka taagan hoggaanka Venezuela ayaa sii qota dheeraaday khamiistii kadib markii Shiinaha iyo Ruushka ay taageero u muujiyeen dowladda Maduro.

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM